2655 Views

Dag-Dag :- Qarx Goor dhow ka dhacay Muqdisho

Dag-Dag :- Qarx Goor dhow ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 Luulyo 2017 –  Qarax Gaari ayaa goor dhow ka dhacay wadada ka baxda dal jirka Daahsoon ee aada dhanka isgoyska Jubba, sida ay Qaranimo Online u sheegay wariye Cabdifitaax Muumin oo tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel ku dhow Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray nin magaciisa lagu sheegay C/laahi Nuur, kaasi oo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ka tirsan yahay Saraakiisha NISA.

Gaariga Qarxay ayaa wariyaha  goobta tagay waxa ay ku sheegeen nuuciisa in uu yahay SURF, waxaana ku dhaawacmay C/laahi Nuur oo Gaariga watay, waxaana dhaawaciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.

Sidoo kale Qaraxan goobta uu ka dhacay hadii aan tilmaan dheeraad ah ka bixino waxa uu yahay meel ku dhow Maqaaxida Italian Coffee oo 5-tii Bishii April ee sanadakan uu ka dhacay Qarax Gaari, kaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwo kale.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo online | Muqdisho 

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment