3903 Views

Dowladda Soomaaliya oo loo soo gacan galiyey saddax nin oo dadka tahriibin jiray

Dowladda Soomaaliya oo loo soo gacan galiyey saddax nin oo dadka tahriibin jiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 Luulyo 2017 –  Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dejiyay saddex nin Oo  Soomaali ah Kuwaas oo dadka ka tahriibin jiray dalka Koofurta Sudan,

Saddexdan tahriibiyaal ayaa todobaadyo ka hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah.

Raggaan magacyadooda waxaa lagu kala sheegay  Caydaruus C/llaahi Naxar, C/raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Booliska Koofurta Sudan iyo Booliska Adduunka, Waxaana maanta Garoonka Muqdisho laga soo dajiyey iyaga oo gacmaha k aka tiinadeysan.

Saddexdan nin ayaa ka mid ahaa shabakad isku xiran oo dadka u tahriibiya dalka Liibiya, waxaana baadi goob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo online | Muqdisho 

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment