2406 Views

Maamulka Putnland oo awaamiir ku soorogtay wasiiradii dhawaan lalaaday

Maamulka Putnland oo awaamiir ku soorogtay wasiiradii dhawaan lalaaday
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | 19 Luulyo 2017 – Hanti-dhowraha guud ee maamulka Punttand, Jaamac Maxamed Cusmaan, ayaa soo saaray go’aan lagu hakinayo in wax lacag ah laga saaro khasnadaha maamulka, sida Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka ah.

Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka ayaa u qorneyd sida tan “Hanti-dhowrka guud isaga oo cuskanaya awoodiisa Dastuuriga ah iyo sharciga wuxuu masuuliyiinta Wasaaradaha Puntland, Bankiyada, Xawaaladaha gaarka ah ee Puntland ku wargelinayaa in la hakiyay ka saarida wax lacag ah xisaabaadka Wasaaradaha uga furan dhammaan Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka ah ee Puntland laga bilaabo 19-ka July 2017-ka ilaa amar dambe”.

Sidaas oo kale saxiixa rasmiga ah ee Xisaabaadka lacageed ayaa la joojiyey, waxaana la amray in aysan wax cusub sameyn Karin, ayna wadi karaan oo kaliya shaqadii hawl maalmeedka aheyd.

Warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa tabineysa in Hanti-dhowrka Puntland uu amray in aysan Wasiiraddan ka bixi karin dalka, iyagoo aan wareejin xilka ay u hayaan Shacabka Puntland.

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo online | Garoowe  

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment