4737 Views

Sawiro:- Danjiraha Swiidhan u fadhiyey Soomaaliya oo maanta munaasabad sogootin ah loosameeyey

Sawiro:- Danjiraha Swiidhan u fadhiyey Soomaaliya oo maanta munaasabad sogootin ah loosameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 Luulyo 2017 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa saagootiyey Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mickael Lindvall.

Munaasabadda lagu sagootinayey Safiirka waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Danjire Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka ayaa ka guddoomay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Agab iyo dhar Astaan u ah Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in ay uga mahadcelinayaan Danjiraha wada shaqeyntii wanaagsaneyd, uuna ka qeyb qaatay mashaariicda dhismaha dhowr Wasaaradood oo ku yaalla magaalada Muqidsho.

Sidoo kale Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden in uu yahay mid qotodheer, dhowaana Soomaaliya ay dalkaasi ka furatay Safaarad.

Dhanka kale Danjiraha waqtigiisa uu dhamaaday ee maanta la sagootiyay Mickael Lindvall ayaa Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka wacan ee ay ula shaqeeyeen, wuxuuna tilmaamay in uusan marnaba ilaabi doonin, isaga oo Soomaaliya u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Dowladda Sweden ayaa dhowaan soo diri doonta safiirka cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kaasi oo bedelaya Danjire Lindvall oo waqtigiisa uu dhamaaday, maantana Muqdisho laga sii sagootiyay.

0002  0003 0004 0004 00005

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment