2775 Views

Shir muhiim ah oo maanta ka dhacay Muqdisho

Shir muhiim ah oo maanta ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 Luulyo 2017 – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa ka dhacay shir looga hadlayay arrimaha Gar gaarka, maadaama mudo Saddex bilood ah ay Wasaaradda Gar gaarka soo shaqeynaysay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro metalayay maamul goboleedyada, Gudiga Qaran ee Abaaraha, Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha Caalamka iyo kuwa gudaha.

Waxaa looga hadlay shirkan arrimaha Gar gaarka, xaalada dadka barakacayaasha, Abaraha gobalada ka jira, Waxyaabaha qabsoomay iyo iminka waxa loo baahan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Drs. Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay warbaahinta markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxa ay sheegtay kulankan in uu ahaa mid isla xisaabtan ah, maadaama loo baahan yahay waxqabad muuqda.

Maryan Qaasim Wasiirka Gar gaarka ayaa sheegtay Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha in ay ka codsatay in gar gaarka kor loo sii qaado, ilaa laga helo Roobab fiican, iyo dadka Abaarta ay saameysay oo xoolahooda dib u hela.

Wasiir Maryan sidoo kale waxa ay sheegtay Soomaaliya weli xaalad adag in ay ku jirto, maadaama aysan dhihi Karin wax dambe uma baahnin oo waan isku filannahay.

Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha dhankooda waxa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin dadka xaalada nolol xumo ay ku heysato Soomaaliya, mar walbana ay isku howlaan hiilada shacabka Soomaaliyeed.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment