3621 Views

Warar dheeraad ah oo kasoobaxaya qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah oo kasoobaxaya qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 Luulyo 2017 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo galabta ka dhacay wadada ka baxda daljirka Daahsoon ee aada dhanka isgoyska Jubba, sida ay Risaala u sheegeen wariyeyaal tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel ku dhow Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxan goobta uu ka dhacay hadii aan tilmaan dheeraad ah ka bixino waxa uu yahay meel ku dhow Maqaaxida Italian Coffee oo 5-tii Bishii April ee sanadakan uu ka dhacay Qarax Gaari, kaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwo kale.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray nin magaciisa lagu sheegay C/laahi Nuur Samatar (Caanabooro), kaasi oo ka tirsan saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta halkaasi hadal kooban ku siiyay ayaa sheegay Qaraxan keliya in uu ku dhaawacmay C/laahi Nuur oo NISA ka tirsan, dhaawiciisuna uu yahay mid fudud.

Axmed Xasan Maalin Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Banaadir ayaa Gaariga Qarxay nuuciisa waxa uu ku sheegay in uu ahaa SURF, uuna soo gaaray burbur kooban.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment