3246 Views

Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Soodhigay Gaari Walxa Qarxa Laga soobuuxiyey

Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Soodhigay Gaari Walxa Qarxa Laga soobuuxiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | 20 Luulyo 2017Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lagu qabtay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay midka yar ee raaxada ee loo yaqaan CAMRY, ayaa waxaa ka buuxa waxyaabaha qarxa oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay Saraakiisha sheegeen.

Xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heleen ciidamada Nabad Suggida ayaa suuragelisay in laga hortago gaarigaasi oo la doonaayay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho in lagu qarxiyo.

Ciidanka NISA, qaybta miino Baarista qaabilsan ayaa fur furay gaarigaasi oo ay saarnaayeen haaman qaraxyo ay ka buuxaan, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay Warbaahinta inay u soo bandhigi doonaan gaarigaasi waxyaabaha qarxa ka buuxay ee ciidamada ay gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha ma aysan sheegin gaarigaan in lagu qabtay qofkii waday iyo in kale, balse hadda goobta lagu haayo gaarigaan ayaa waxaa jooga Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment