4290 Views

Dhagyso :-Diyaradii SO: Somali Airlines oo dib u shaqa billaabeysa

Dhagyso :-Diyaradii SO: Somali Airlines oo dib u shaqa billaabeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | 20 Luulyo 2017 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in ay dib u shaqo bilowdo Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim u tahay dhaqaalaha dalka, islamarkaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha labaduba ay doonayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib dalka uga shaqa bilowdo Somali Airlines.

Wasiirka ayaa xusay in uu la kulmay Ganacsato kala duwan ,islamarkaana uu kala hadlay dib usoo celinta Somali Airlines.

Dowladdii uu hoggaanka u hayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegtay in ay dadaallo kala duwan ay ku bixisay soo celinta Somali Airlines laakiin ugu dambeyntii ay suurtagali waysay.

Somali Airlines waxaa la aas aasay bishii March 5 -teeddii sanadkii 1964,shirkadda ayaa waxaa ay waqtiga ka mid ahayd kuwii duulimadyada ee waqtiga ugu wanagsanaa,laakin waxaa ay hawada ka baxdey markii dowladdii dhexe ee dalka ay bur burta

Halkan Ka Dhagayso 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment