2355 Views

Ergaddii Xildhibaanada dooratay oo askar laga dhigayo.

Ergaddii Xildhibaanada dooratay oo askar laga dhigayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20  July 2017–Markii ergooyin badan oo kamid ahaa kuwii soo doortay xildhibaanada baarlamaanka tobnaad la dilay, ayaa qaar kamid ah ergada hartay waxay bilaabeen inay kamid noqdaan ciidamada dowlada, si ay naftooda u ilaaliyaan ayaga oo hubaysan.

Rag ka mid ahaa xubnaha ergada oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen inay kamid noqdaan ciidamada xooga dalka, ayaga oo ka faaidaysanayaa shaqada iyo dareeska oo ay ku gambanayaan.

Qaar ergada ku jiray, ayaa qorsheynaya inay ka mid noqdaan ciidamada cusub ee lagu tababarayo xerada cusub ee Turkiga uu ka dhisay magaalada Muqdisho.

Waxay qaarkood noo sheegeen inay is diiwaan geliyeen oo ay sugayaan inuu tababarkooda ka furmaa xerada ciidamada ee dhawaan laga dhisay deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, kuna dhow xirada Xalane.

“Markii hore walaac ayaan la joogi waayay oo ah goormee lagu dili doonaa, markii aan fekeray waxaa iisoo baxday in aan ciidanka isaga biiro, maadaama Shabaab aysan i dhaafeyn oo ay idilayaan, dhinackasta aan bartilmaameed uga ahay.” Ayuu yiri nin ka tirsanaa Ergadii doorashadii Somaliya ka dhacday taaso ay ku timid Dowladda Farmaajo.

Dagaal-yahannada Al-shabaab, ayaa horey ugu hanjabay inay dilayaan qof kastaa oo kamid aheyd doorashadii sanadkaan ka dhacday dalka Soomaaliya oo ugu dambeyn Farmaajo lagu soo doortay.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment