2748 Views

Kenya Oo Lacaga Dul Dhigtay Rag Latuhun sanyahay In Ay Yihiin Al shaab

Kenya Oo Lacaga Dul Dhigtay Rag  Latuhun sanyahay In Ay Yihiin Al shaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 Luulyo 2017 – Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ciddii soo sheegta shan nin oo ka tirsan Al-Shabaab lagu abaal marin doono Lacag dhan 2 million oo shilinka dalka Kenya ah.

Booliska ayaa soo bandhigay sawiradda shantaa nin oo lagu kala magacaabo Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.

Raggaan ay baadi goobayaan ciidamadda booliska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay yihiin amniyaad Al-Shabaab uga dhax shaqeyn rabo gudaha dalka Kenya.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in raggaani shanta ah ay markii cid ugu wardanbeeysay in ay ku sugnaayeen degaanka Lakta oo ku taal dhulka Keymaha ah ee Boni ee magaalo xeebeedka Lamu.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay waxa uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Alshabaab ee ku jira Keynta Boni ee magaaalada xeebeedka Lamu.

Ciidamadda difaaca dalka Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa horay waxa ay u sheegeen in weerar ay iska kaashadeen ciidanka Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al- Shabaab oo lagu magacaabo Hassan Issack Ibrahim .

 

01 02 3

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment