2688 Views

Kulan Xasaasi ah Oo Goodhow Muqdisho Ku soo Gab Gaboobay “Sawiro”

Kulan Xasaasi ah Oo Goodhow Muqdisho Ku soo Gab Gaboobay “Sawiro”
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | 20 Luulyo 2017 –Dood cilmyeedkan waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyarada G/Benaadir, waxaana soo buux dhaafiyey dhalinyaro aad u fara badan oo ka kala timid afarta degmo ee galbeedka Muqdisho ee kala ah Dharkeynley oo ah martigeliyaha kulankan, Wadajir, Kaxda iyo Deyniile.
Dood cilmiyeedkan waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha degmada Dharkeynley Md C/raxmaan Siid cali xuseen, guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Md C/kaafi Maxamuud Makaraan iyo dhalinyaradiisa heer gobol, guddoomiayayaasha dhalinyarada afartaas degmo iyo bahda saxaafadda.
Ugu horreyn, waxaa kulan ka Waxaa ka  hadlay guddmiyaha dhalinyarada degmada Dharkeynley Md C/casiis xuseen maxamed isagoo mahadcelin isga oo sheegay in dhalinyarada ay tahay awood dhan kastaa loo isticmaali karo, wuxuuna ku muujiyey hab suugaaneed.
G/dhalinyarada G/Benaadir Md C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa isna qodbad dheer ka jeediyey kulanka, wuxuuna sheegay in dhibaatada ugu badan uu ku dhaco dhalinyarada loona baahanyahay in dhalinyadu ay u istaagaan amniga iyo horumarka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay dhalinyarada maanta kulankan fadhisa inuu ka imaanayo maslaxaddii dalka lagu hagaajin lahaa, wuxuuna ku dhiirigeliyey iney lagama maarmaan tahay in ay wadashaqeeyaan dhalinyarada iyo hey’adaha amniga.
Guddoomiye Makaraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada iney iska dhaafaan tahriibka ayna ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta manta.
G/degmada Dharkeynley Md C/raxmaan Siid cali xuseen ayaa isguna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulankan uuna dhalinyarada gacan ka siinayo iney u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.
Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan waxaa kooxo loo sameeyay dhalinyaradii kasoo qeybgashay waxaana la weydiiyey su’aalaad dhalinyarada ku saabsan waxaana kasoo baxay jawaabo xal u noqon kara dhibaatooyinka dhalinyarada heysta maanta.

 

g1 g2 g3 g4 g6 g7 g8 g9 g10 g11 g12 g13

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment