2250 Views

Madax Maamulka Isku Magacabay Gobalada Dhaxe Oo Dalabanaya In Lacaawiyo Dadka Tabaalesan

Madax Maamulka Isku Magacabay  Gobalada Dhaxe Oo Dalabanaya In Lacaawiyo Dadka Tabaalesan
____________________________________________________________________________

Dhusa mareeb  | QOL | 20 Luulyo 2017 –Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa ka codsatay Hay’adaha Gargaarka in ay caawiyaan dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee kunool degaanada Ahlusunna.

Waxaa uu sheegay in dhibaato badan ay heysato dadka kunool degaanada maamulkaasi, isagoona sheegay in Hay’adaha gargaarka laga doonaayo in ay kaalintooda ka qaataan.

Madaxweynaha ayaa shalay kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgalla degaanada maamulka Ahlusunna.

Abaaro daran ayaa wali ka jira gobolada Mudug iyo Galgaduud , waxaana dhawaan uu Madaxweynaha Galmudug uu sheegay in dadkii kunoolaa Galmudug ay barakacayaan.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Dhuusa Mareeb 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment