4140 Views

Qatar oo safaarad ka dhisaneysa Muqdisho

Qatar oo safaarad ka dhisaneysa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20  July 2017–War cusub oo la isla dhaxmarayo magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Dowladda Qatar ay qorsheyneysa in ay safaarad ka dhisato magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo haatan ay dhismo KMG ah ay ku shaqeyso Safaaraddaas.

Dowladda Qatar ayaa dooneysa inay muujiso doorkeeda arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhisme safaaradeed oo rasmi ah ku yeelato Caasimada Soomaaliya, si ay ula tartanto dowladaha kale ee Muqdisho ku leh dhismo safaaradeed oo gaar ah.

Qatar ayaa Safiir u soo magacawday Soomaaliya,sanadkii 2014, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay uu Safiirkeeda ku howl galayay dhismo ku yaal degmada Hodan oo ku dhowaa safaaraddii Turkiga ku lahaa agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne C/Qaasim.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha dhismaha safaaradda uu jawaab u yahay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale dooneysa inay la mid noqoto dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo ah labada dal oo safaaradahooda ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan Xeebta Liido ee degmada C/casiis.

Naqshada dhismaha Safaaradda Qatar ku yeelaneyso Muqdisho oo horay loo soo bandhigay ayaa la mid ah dhismayaasha casriga ee Safaaradaha caalamiga, sida Safaaradda Turkiga oo qaab casri ah u dhisan, kuna taalla Xeebta C/casiis

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment