3132 Views

China oo Ciidan kala dhex dhigeysa Jabuuti iyo Eritrea

China oo Ciidan kala dhex dhigeysa Jabuuti iyo Eritrea
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22  Luulyo 2017  —Dowladda China ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Ciidan Nabad ilaalin ah geyso Sohdinta kala qeybisa dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo ay ku muransanyihiin labada dal.

Dowladda Qadar oo Ciidamo ay ka joogeen xadka ay ku muransanyihiin labadaasi dal ayaa Ciidankeeda kala baxday kaddib markii Waddamada Jabuuti iyo Eritrea ay la safteen Waddamada uu hoggaamiyo Sucuudiga ee xiriirka u jaray Qadar cunaqabateyntana ugu daray.

Diblomaasi sare oo ka tirsan China ku sugan Xraunta Midowga Afrika ee Adis ababa ayaa sheegay in Dolwadd China ay diyaar u tahay in ay Ciidamo geyso dhulka ay ku muransanyihiin labada dal waa haddii la weydiisto.

Ciidamada Qadar ee ka baxay Sohdinta ayaa gaarayay 450 Askari,waxaana Dowladda China ay ballan qaadday in ay diyaar u tahay si xiisadda loo dejiyo.

Kuang Weilin,ayaa u sheegay AP in Dowladda China ay ka go’an tahay nabadeynta AFrika dadaal badanna ku bixineyso sidii loo yareyn lahaa colaadaha Afrika.

China waxaa ay dhawaan Ciidamo u soo dirtay Saldhigga ay ka dhisatay Dalka Jabuuti,kuwaas oo loogu talagalay sida ay sheegtay China in ay la dagaallamaan Burcad Vadeedda Soomaalida ah,sidoo kalena ilaaliyaan Maraakiinta gargaarka ee maraya biyaha Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment