6309 Views

Dowlada Soomaaliya oo shirkadaha Dahabshiil iyo Hurmuud ku eedaysay in ay taageeraan Al Shabaab

Dowlada Soomaaliya oo shirkadaha Dahabshiil iyo Hurmuud ku eedaysay in ay taageeraan Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22 Luulyo 2017  — Xukuukadda Ra’islawasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Sharikadaha Dahabshiil iyo Hormuud ku eedeysay in ay taageeraan Al-shabaab islamarkaana ay taas caqabad ku tahay Dolwadda Soomaaliya.

.

Website-ka lagu magacaabo africaintelligence.com, ayaa daabacay in Ra’islawasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan la qaatay Madaxda Waddamada reer Galbeedka islamarkaana u sheegay walaaca uu ka qabo Sharikadaha Ganacsi ee Hormuud iyo Dahabshiil taageerada ay siiyaan Al-shabaab.

.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ayaa walaac xoog leh ka muujiyay caqabadda ka heysata amniga iyo Siyaasadda,taas oo aysan filaneyn Dowladda la dhisay 8ddii February.

.

Dowladda waxaa ay isku dayeysaa in ay ka adkaato Al-shabaab,soo celiso amniga kaddibna ay dib u dhis ku sameyso hay’daha muhiimka u ah Qaranka.

.
Caqabadahan cusub ee ay hadda ka sheeganeyso Dowladda ayaa walaac ku abuuray beesha Caalamka,waxaana ay ka walwalsanyihiin in Dowladda Muqdisho aysan awoodin in amniga dalka ay gacanta ku dhigto kaligeedna ka taliso dalka.

.
Kulan billowgii Bishan dhexmaray Saraakiil ka socota Britain,Norway iyo Midowga Yurub oo dhinac ah iyo Xasan Cali Kheyre Ra’islawasaaraha Soomaaliya ayuu farta ku fuuqay in ay ku adkaatay la dagaallanka musuqa,qaadidda Canshuuraha,waxaana uu farta ku goday Dhor Nin oo Ganacsato Soomaali ah,kuwaas oo uu sheegay in ay Canshuur ka badan midda Dowladda siiyaan Al-shabaab.

.
Xubnahan ayuu ka xusay Axmed Maxamed Yuusuf,Guddoomiyaha Sharikadda Isgaarsiinta Hormuud,Maxamed Yuusuf Axmed Aloore,guddoomiyaha Bangiga Salaam African Bank iyo Maamulaha Sharikadda Dahabshiil Cabdi Rashiid Ducaale,waxaana uu ku eedeeyay in ay Al-shabaab siiyaan lacag ka badan midda ay dowladda siiyaan,waxaana uu ku sheegay AL-shabaab in ay u jiraan wiiqidda dowladda Soomaaliya,in uusan Sharciga Dowladda ka hirgelin dalka.

.
Lacagaha ay Ganacsatada siiyaan Al-shabaab ayuu sheegay in ay ku fuliyaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

.
Dowladda Federaalka ah si rasmi ah gacanta uguma heyso amniga guud ee dalka iyo kala dambeynta xagga sharciga maaliyadda,maamulka Canshuuraha iyo maalgelinta,sidaas darteed Al-shabaab oo ah awood maamusha qeyb badan oo ka mid ah bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayaa iyadana qaadda Cnashuurta.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment