3465 Views

Dunida Muslimka oo ka hadashay qaddiyadda Quddus iyo Cabaas oo xiriirka u jaray Israel

Dunida Muslimka oo ka hadashay qaddiyadda Quddus iyo Cabaas oo xiriirka u jaray Israel
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22  Luulyo 2017  — Inta badan Waddamada Muslimiinta ah aya Khudbadaha Masaajidada ee shalay oo jimco ahayd waxaa ay ku saabsaneyd Qaddiyadda Magaalada Quddus iyo dhibaatada ay Yuhuudda ku heyso Muslimiinta ku dukanaya Masaajidka Al-Aqsa.

Waddamada ay saalaadda jimcaha kaddib isu soo baxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah Turkiga,Lebonan,Tunisia,Masar,Sucuudiga,Koofur Afrika iyo Joordan.

Inta badan Madaxda Waddamadaas ayaa ka hadlay isu soo baxyadaas waxaana ay ka mideysnaayeen cambaareynta go’aanka Israel ee lagu hakiyay cibaadada Masaajidka iyo kaamirooyinka ay Israel ku xirtay.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa dhaqanka Israel ku tilmaamay mid aan la aqbali karin,waxaana uu ku baaqay in Qaddiyadda Al-Aqsa ay tahay mid u taalla Dunida Muslimka oo dhan ee aan lagu fiirsan Israel.

Michel Aoun,Madaxweynaha Dalka Lebonan ayaa isna sheegay in gardarrada Israel ee goobaha barakeysan ay tahay wax caadi ah oo aan Israel ceeb ku ahayn,maaddaama ay soo jireen ahayd in Israel ay dhibaateyso dadka Falastiiniinta ah.

Warbixin ka soo baxday Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu muujiyay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay waxa socda kuna baaqayo in xaaladda la dejinyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Joordan Ayman al-Safadi,ayaa isna sheegay in Jordan ay galeyso sidii loo xasilin lahaa xaaladda Israel iyo Falastiin ee hadda,waxaana uu baaq u diray Midowga Yurub,Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo cid kasta oo ay quseyso.

Warbixin lagu qoray bogga Facebooka ee Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Israel ay joojiso xadgudubka ka dhanka ah goobaha Barakeysan ee Muslimiinta.

Golaha wasiirrada Sucuudiga oo uu shir guddoominayay Boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in Israel ay joojiso waxyaabaha dib u dhigaya Horumarinta nolosha,waxaana ay beesha Caalamka ugu baaqeen in ay arrinta fara geliso.

Golaha Muslimiinta Dalka Koofur Afrika ayaa iyana falkan Cambaareeyay,waxaana ay Israel uga digeen sii wadidda dhibaatada ka socota Quddus iyo masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa.

Dhanka kale Madaxweynaha Falastiiniinta Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in uu joojiyay dhamaan wixii xiriir ah oo uu la lahaa Israel,waxaana uu ku baaqay in go’aankaas ay qaateen ilaa ay Israel ka joojineyso Gardarrada Dhulka Falastiiniinta.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin arrinta Masaajidka Al-Aqsa oo dhorkii todobaad ee la soo dhaafay cakirneyd,waxaana ka mid ahayd waxyaabaha dhacay Dilkii Imaamkii Masaajidka Al-Aqsa.

.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment