4074 Views

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo taallaabo deg deg ah ka qaatay muwaadin ay lacag baad ah ka qaateen ciidanka Dowladda

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo taallaabo deg deg ah ka qaatay                                                                                   muwaadin ay lacag baad ah ka qaateen ciidanka Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22 July 2017— Ninka lagu magacaabo Xasan Macalin Yuusuf oo kunool xaafadda Buula-Xuubeey ee dagmadda Wadajir, degganayna halkaas mudo dheer ayaa asbuuci la soo dhaafay la kulmay sheeko isagu uu qaadan waayay hadana dhinaca kale uu ku tijaabiyay halka ay maanta joogto Dowladnimada Soomaaliya iyo cadaaladda la doonayo in Bulshada lagu dhaqo.

Xasan iyo qoyskii waxaa ay guri ku lee yihiin Buula-Xuubeey oo ay wada degganyihiin. Xasan aabihiis Macalin Yuusuf uu doonayay inuu dayactir ku sameeyo guriga, balse sidii caadadda ka aheyd Xamar sannadihii dambe, goobta yimid askar Dowladda ka tirsan oo caado ka dhigtay iney lacag baad ah oo sharciga khilaafsan ka qaataan dadka doonaya iney guryo dhistaan ama dayac-tir ku sameeystaan.

“Raggaan oo ka kooban labo askari oo hubeysan iyo labo ka tirsan waaxda canshuuraha ee Dowladda hoose ee Gobolka Banadir, waxayna u sheegeen aabahey inuu bixiyo lacag dhan $200 (labo boqol oo dollar ) hadii uu rabo inuu dayactirto guriga”. Waa sida uu sheegay Xasan Macallin.

Lacagta darteed, waxaa meesha ka dhacay buuq ilaa ay askartu joojisay shaqadii guriga laga waday iyagoo u hanjabay shaqaalihii dhismaha waday. Xasan iyo aabihii Macalin Yuusuf waxaa ay isku raaceen iney lacagta bixiyaan si shaqadda loo qabto waxaase labadooduba ay qaadan waayeen markii boonadii lacag qabashada loogu qoray iney bixiyeen $10 (Toban dollar), taas oo ka dhigan in si baad ah looga qaatay $190 (boqol iyo sagaashan dollar) .

“Aadbaan u carooday, waxaan la yaabay heerka musuqa iyo naxariis daraddu ay gaartay, waan qaadan waayay arintaan oo dhowr jeer oo hore la iiga sheekeeyay iney dad kale ku dhacday, waxaan is weydiiyay inta guri ee Muqdisho ku taala ee maalin walba sidaan loo baado waxaase ugu dambeyn aan nafteyda u sheegay in gobalka Banaadir madax looga dhigay Taabit Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo laga yaabo inuu wax ka qabto hadii aan u sheego arinkaan ayuu hadalkiisa ku daray Xasan.

“Ma heynin meel aan kala xiriiro Taabit mana u laheyn aqoon shaqsi ah waxaase igu soo dhacay nin Cali la yiraahdo oo aan iskuulka wada dhigan jirnay oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, waan wacay waxaan ka codsaday inuu ii raadiyo nambarka gudoomiye Taabit isna waa ii helay, waxaan kadib is weydii hadii uu ka jawaabi doono teleefoonkeyga madaama madaxda Soomaalida lagu eedeeyo iney ku liitaan xiriirka bulshadda waxaanse go’aansaday inaan fariin qoraaleed u diro , saacaddu waxa ay aheyd 10:00pm habeenkii Arbacadda waxaana u qoray “Mudane gudoomiye waxaan ahay muwaadin Soomaali ah oo kunool Muqdisho waxaan rabaa inaan kaala hadlo arin muhiim ah hadii ay macquul tahay “ Xasan ayaa sidaas iigu sheekeeyay.

“10 daqiiqo uun kadib la yaab ayey igu aheyd in jawaabta gudoomiye Taabit ay noqotay inuu toos iisoo waco waana qaadan waayay in musuuliyiinta Soomaalidu ay sidaas ugu dabacsan yihiin bulshadda, waan salaamay kadib waxaan u sheegay wixii maanta aabahey qabsaday ,waxaan u sheegay inaanan ka guban lacagta qoyskeena laga qaatay laakiin aan ka xumaaday in maalin walba ay arintaan dhacdo anagoo dareemi karna in maalintii wax ka badan 300 oo guri Xamar lagu dayac tiro taas oo ka dhigan in maalin walba 300 oo muwaadin la baado”.

“Waxaan ku irri waan garanaya ragga falkaan sameeyay, waxaan heynaa nambarkii aan lacagta ugu tuurnay waxaan kaloo aqanaa saldhiga ay ka tirsan yihiin, Taabit wuxuu ii muujiyay sida uu uga xun yahay falkaan wuxuushnimada ah wuxuuna iga codsaday inaan subixii ugu imaado xafiiskiisa saacadu marka ay tahay 8:30am aana ahay qofka ugu horeeya ee uu qaabilaayo maalinkaas.

“Dad asxaab iyo ehel ii ah waxey igula taliyeen inaan faraha kala baxo kiiskaan iyagoo ka baqaaya in dhibaato amni iga soo gaarto laakiin waxaan u sheegay in xaqa aan laga aamusin, Subixii Khamiista waxaan tagay xarunta Dowladda hoose ee Xamar liiska albaabka yaala ee martida maalinkaas waxaa ugu horeeyay magaceyga ,aadbey arintaas ii farxad galisay waxaana dareemay rajo maamul waxaana ka helay sida uu Taabit u daneynaayo kiisaska nuucaan ah.

“Waligey horey ulama kulmin mudane Taabit laakiin TV-yadda iyo baraha bulshadda ayaan ka bartay wajigiisa, Markii la ii gudbiyay xafiiskiisa wuu taagnaa si uu iigu muujiyo inaan muhiim u ahay ,fadhi iyo sheeko arinta ku saabsan kadib, gudoomiye Taabit wuxuu u amray in deg deg kiiskan loo xaliyo, anigoo goobta fadhiya ayuu wacay maamulka dagmada iyo taliska ciidanka , isagoo isticmaalaya xogtii aan siiyay madaama aan garanayay ragga falkaan ku kacay wuxuu amray in afartaas nin lasoo qabto oo lasoo xiro si kiiskaan loo baaro.

“Taabit wuxuu iga codsaday inaan bixin ila arintu ka dhamaato, ciidankii la diray ee gobalku waxaa ay 3 saacadood kadib keeneen 3 ka mid ah ragii falka geystay anoo wali jooga xarunta Dowladda hoose, aadbaan u ilmeeyay markii aan arkay ragii Aabahey qoriga ku taagay ee lacagta baada ah ka qaatay oo gacmaha ka xiran, waan aqoon waayay waxa aan ku iraahdo duqa Muqdisho ,wax yar kadib waxaa uu gudoomiye Taabit ii dhiibay warqad ku socotay maamulka dagmadda Wadajir oo ay ku qoran tahay iney gurigeena booqdaan oo ay aabahey u celiyaan lacag dhan $190 (boqol iyo sagaashan dollar ) oo aheyd lacagtii sharci daradda looga qaaday wuxuuna igu yiri “halkaan waxaan u immid inaan shacabka u adeego ee fadlan qof walba oo dhib nuucaan ah qaba nambarkeyga waad siin kartaa “ runtii waxaa ay ii aheyd maalin aan dareemay dhadhanka cadaaladda iyo rajadda Dowladnimadda Somalia.

Xasan Macalin Yuusuf ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka reer Muqdisho iney ka hadlaan wax walba oo dhib ku ah si arinta wax looga qabto inta ay wax ka qabashadda leedahay.

.

Source: Allbanaadir.com

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment