2154 Views

Maamulka G/Banadir Oo digniin u diray Hay’adaha Samafalka

Maamulka G/Banadir Oo digniin u diray Hay’adaha Samafalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | 22 Luulyo 2017  —Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Hay’addaha Samafalka ee ka howlgala Muqdisho ugu baaqay in ay si wanaagsan ugu gargaaraan dadka danyarta ah oo aysan danahooda ka fiirsan.

Maamulka waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in gargaar aan ku filneyn in mar walbo la siiyo dadka isla markaana sawiro laga qaato.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdullaahi Sheekh Cali Erag ayaa sheegay in ay soo saarayaan sharciyo lagu xadiyo Hay’addaha Samafalka.

Waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan cid walbo oo dadka danyarta ah gargaar gaarsiineyso oo ay u fududeynaya howlaha ay wadaan.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment