2571 Views

Maamulka Soomaaliland muxuu ka yiri dagaalkii ka dhacay Sanaag ?

Maamulka Soomaaliland muxuu ka yiri dagaalkii ka dhacay Sanaag ?
____________________________________________________________________________

Hargaysa   | QOL |  22 Luulyo 2017  — Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga Maamulka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Saxaaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay haatan wadaan dadaalo lagu xalinaayo dagaaladaas kuwaas oo ah kuwo soo laab laabtay.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland aysan aqbaleyn in la wada dagaalamo islamarkaana cid alaala cidii Nabada ka soo horjeesato ay talaabo ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay

Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay dagaal geestay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac kaas oo u dhaxeeyey labada Maleeshiyo Beeleed oo deegaanka lagu dagaalamay ku wada nool.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 6 Qof  halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen dhamaantood oo ahaa Maleeshiyaadkii wada dagaalamay,waxaana si kulul uga hadlay Maamulka Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |hargaysa 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment