3204 Views

Maxaabiista laga soo daayay Itoobiya oo maanta la keenayo Muqdisho

Maxaabiista laga soo daayay Itoobiya oo maanta la keenayo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 22 Luulyo 2017  —In ka badan 100 Maxaabiis Soomaali ah lagana soo daayay Xabsiyada Dalka Itoobiya ayaa la filayaa in maanta laga soo dejiyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo DOlwadda Itoobiya ay ku xukuntay waqtiyo kala duwan ayaa dhawaan siideyn tooda waxaa ka qeyb qaatay ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo shir madaxeedka AFrika Adis ababa uga qeyb gelayay.

Soo celinta Maxaabiistan ayaa markii labaad shalay dib u dhacday,waxaana markii hore ay ahayd in ay la soo laabtaan Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo Adis ababa ka soo laabanayay.

Shalay oo Jimco ahayd ayaa la filayay in ay ka soo degaan garoonka Aadan Cadde taas oo aan suuroobin waxaana la filayaa in Maxaabiistaas Soomaaliyeed ay maanta dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Maxaabiista qaar ayaa dhameystay xukunka dowladda Itoobiya halka kuwo kalena ay soo baxayaan iyaga oo uu waqti u dhinnaa.

Dolwadda Federaalka ah ayaa dadaal ugu jirta soo celinta Maxaabiista Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku xir xiran,waxaana heshiisyo ay la gashay Waddamada Hindiya,Siishalis iyo Itoobiya,waxaas oo qaarkood Maxaabiis laba dhinac ku kala xiran la isku wareejinayo sida Hindiya.

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment