2283 Views

Xukuumada Soomaliya oo dhiiragelinaysa waxbarashada dhalinyarada

Xukuumada Soomaliya  oo dhiiragelinaysa waxbarashada dhalinyarada
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | 22  Luulyo 2017Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladd Soomaaliya ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay ka hortageyso fikradaha qaldan ee laga bixinayo Waxbarashada Dalka isla markaana aysan aqbali doonin in si qaldan loo sii isticmaalo.

Waxa uu tilmaamay in ay dhiira gelinayaan waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay xooga saari doonaan sidii waxbarasho mideysan oo tayo leh loo heli lahaa.

Wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dhameystirka manhajka Waxbarasho ee dalka iyo sharciyada u gaarka ah waxbarashada.

 

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment