2226 Views

AKHRISO: Hay’addaha Amniga oo Ganacsatadda dul dhigay Amar Horleh

AKHRISO: Hay’addaha Amniga oo Ganacsatadda dul dhigay Amar Horleh
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23  Luulyo 2017  — Hay’adda amaanka ayaa sheegay in ay ogaadeen in lacagaha ay ganacsatada siiyaan Al-Shabaab ay dhib weyn ugu geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Go’aamada ka soo baxay waxa ka mid ah:-

  1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
  2. Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
  3. Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
  4. Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo aya laga qaadaya.
  5. Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
  6. Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
  7. Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii qodobadaasi jabisa.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment