2754 Views

Al Shabaab Oo Waxgaradaka Kunool G/Sh/Hoose Kaarar Aqoonsi ah Usameeyey

Al Shabaab Oo Waxgaradaka Kunool G/Sh/Hoose Kaarar Aqoonsi ah Usameeyey
____________________________________________________________________________

Afgooye   | QOL | 23 Luulyo 2017  — Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo waxbarashadaas ay u socotay muddo afar maalmood ah kaddib la guddoonsiiyay Haddiyado ay ugu talagaleen Maamulka Al-shabaab ee Shabeelalaha hoose.

Odayaasha ayaa Siminaarkaasi waxaa uu uga socday Degmada Awdheegle waxaana markii uu u dhamaaday kaddib halkaas kula dardaarmay mas’uuliyiin ka ntirsan Xarakada Al-shabaab oo odayaasha kula taliyay in aysan ka bixin ballamaha ay halkaas ku wada galeen.

Odayaasha oo laga kala keenay degaannada Shabeellaha hoose ayaa gaba gabadii munaasibaddaas la guddoonisiiyay Kaarar aqoonsi ah oo Odaya dhaqameedkasta la siiyay kaarkii loogu talagalay si uu nabad ugu maro degaannada AL-shabaab.

Kaararka ayaa waxaa ku qoray Magaca Odayga,da’diisa,Goobta ama degaanka,Jagada uu hayo  iyo Qabiilka uu ka soo jeedo,waxaana uu si cabsi la’aan ah ku joogi karaa degaannada ay maamulaan Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Afgooye 

___________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment