3495 Views

Kulan Soo Dhaweyn ah Oo Loosameeyey Gabadhii Ugu Horeysay Oo Noqontaa Pilot

Kulan Soo Dhaweyn ah Oo Loosameeyey Gabadhii Ugu Horeysay Oo Noqontaa Pilot
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23 Luulyo 2017  —Marwo Asli Xasan Cabaade oo ah gabadhii ugu horeysay  ee noqotay Pilot kana tirsanaan jirtay ciidamada difaaca circa Soomaaliya oo dhawaantan soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ugu qabteen Muqdisho ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiinta ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay taariikhda Marwo Asli xasan Cabaade oo xubnihii ka qeyb galay Munaasabadda ay sheegeen iney muujisay in dumarka kaalin ay ku leeyihiin qaranimada iyo difaaca dalka.

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa tilmaamtay in Duuliye Asli Xasan Cabaade mudadii ay ku maqneyd dalka dibadiisa mar walbo ay ka shaqeeneysay midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq oo kamid ah xubnaha  haweenka ah ee ka qeyb galay munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa madasha ka sheegtay in Duuliye Asli oo dalka dib ugu soo laabatay looga baahan yahay iney ka qeyb qaadato sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro halkeeda kasii wada howshii adkeyd oo ay soo qabatay.

Duuliye Asli xasan Cabaade oo gaba gabadii munaasabadda kahadashay ayaa sheegtay iney ka qeyb qaadan doonto wacyi galinta bulshada islamarkaana ay u taagantahay ka shaqeynta dhismaha dalka.

p1 p2 p3 p4 p5 p7 p8 p9 p10 p56

 

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment