4212 Views

Lamaha Amaanka Magalada Galkacyo Oo SaraakiilKatirsan Al Shabaab Gacanta Ku dhigay

Lamaha Amaanka Magalada Galkacyo Oo SaraakiilKatirsan Al Shabaab Gacanta Ku dhigay
____________________________________________________________________________

Galkacyo   | QOL | 23  Luulyo 2017  —Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku qabteen saddex ka mid ah xubnaha Al-shabaab iyo ilaaladooda.

Saraakiisha Dowladda ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadka degaanka iyo ciidamada Dowladda oo iskaashanaya ay holwgalkaasi fuliyeen islamarkaana ugu suuragashay in ay Raggaas qabtaan.

Xubnaha la soo qabtay waxaa ka mid ah Qof magaciisa lagu sheegay Ina Calool Geel oo horay loogu qabtay Waxyaabaha qarxa hayeeshee la siidaayay.

Saraakiisha u hadashay Dolwadda ayaa sheegay in Raggaas lagu wareejinayo Garsoorka dalka islamarkaan magaalada Muqdisho loo sooq aadayo.

Dhawaan Ciidamo isku dhaf ah ayaa lagu wareejiyay amniga Magaalada Gaalkacyo,waxaana ay ka kala socdaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo magaaladaas wada maamula.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Galkacyo 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment