2655 Views

Maxaa Sababay Xil Ka Qaadistaxog-hayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ?

Maxaa Sababay Xil Ka Qaadistaxog-hayihii  joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23 Luulyo 2017  —Yaxye Cali Ibraahim; xog-hayihii  joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee  xilka laga qaaday waxa uu kamid ahaa dadka si ay u galaan siyaasadda u mucaaradi jiray ficilada iyo go’aanada madaxda iyo xukuumadaha, warbaahinta Muqdisho ayuu mar ka noqday cod joogto ah oo  la weydiiyo walxaha la xiriira Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Maamulka; kadib muddo uu warbaahinta si joogto ah u la hadlayey una muujinayey mucaaradnimo u muuqatay mid wax dhiseysa waxa Raisalwasaare Cumar Crashiid u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha joogtada Kmg ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka bishii August-sanadkii 2015; muddadaas wixii ka dambeeyey waxa uu ka maarmay lahadalka warbaahinta, isaga oo mowqifkiisii mucaaradnimadana u rogay muxaafid si lamid ah sidii uu u mucaaradi jiray u difaaca xukuumadda iyo ficilada madaxda xitaa haddii ay qaldan yihiin.

magacaabistii Yaxye
aas

Dhowr shir ayuu agaasinkooda qayb ka noqday, sida shirkii Jowhar ee lagu dhisay dowlad-goboleedka hirshabeelle, kii Baydhaba ee kulanka dowladgoboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa muddo ka cabanayey dhaqanka iyo maamulka Yaxye Cali Ibraahim; iyaga oo qoray dhowr xaashi; oo codsi faragelin iyo cabasho isuguu jiray; waxyaabaha ay shaqaaluhu ka cabteen waxaa kamid ah magacaabista madax waaxeedyada; siminaarada, fursadaha tababarka iyo dhaqaalaha.

Tusaale ahaan qof kamid ah shaqaalaha ayaa u sheegay Mustaqbal radio in Yaxye Cali Ibraahim;  intii uu xilka hayey u magacaabay xilal ay shaqaale kale hayeen kuwo cusub oo uu keenay wasaaradda, sida  Agaasimihii waaaxda Xiriirka Cfitaax Cali Xasan, oo ku maqnaa safar ayaa xilkii uu ka hayey wasaaradda waxa xoghayaha xilka laga qaaday u magacaabay nin layiraahdo Nuur; taas oo  kamid noqotay sababaha shaqaalaaha wasaaradda arriamaha guduhu ay badankoodu uga horyimaadeen Yaxye Cali Ibraahim.

Xaashi
3

Warqadda tixraaceedu yahay WAGF&XW/0094/17; oo soo baxday 22-July-2017;waxa lagu sheegay sababo waaweyn oo horseeday in shaqo ka joojin lagu sameeyo xog-hayihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, sababahaas waxa kamid ah:

  1. Wada-shaqeyn la’aan joogto ah iyo cuuryaaminta habsami u socodka holaha wasaaradda oo katimid dhanka Yaxye Cali Ibraahim
  2. Ku xadgudubka jaranjarada hannaanka shaqada iyo u hoggaasamid la’aanta hagidda xubnaha sare
  3. Cabashada shaqaalaha eek u saabsan mamul xumida, caddaalad darrada iyo wadashaqeyn la’aan joogto ah oo uu ku kacay xoghayihii joogtada

Mashaakilka dhanka maamulka ah ee dhacay intii uu xilka hayey Yaxye Cali Ibraahim waxaa kamid ah in mid kamid ah shaqaalaha wasaaraddu uu galay shil gaari, islamarkaana ku geystay dhib; iyada oo sida ay shaqaalaha wasaaraddu sheegeen la xiray kadibna gaarigii galay shilka oo wasaaraddu lahayd uu muddo dheer yaallo fisho taraafiko isaga oo halkaas ku baaliyoobay.

Shaqo ka joojinta Yaxye Cali Ibraahim;oo ay suurtagal tahay in ay isu beddesho xil ka qaadis waxa ay neef weyn ka soo goysay shaqaalaha rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, kuwaas oo intooda badan mar la weydiiyey shaqo ka joojinta Yaxye Cali Ibraahin si wadajir ah u taageeray islamarkaana ka hor intii aan shqada laga joojin qoray cabahso badan oo ku saabsan habka uu u la dhaqmo shaqaalaha wasaaradda.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa hayey xilkan muddo ku dhow 2; sano, waxaana suurtagal ah in xil ka qaadistiisa iyo shaqo ka joojintiisuba ay soo daaheen marka la fiiriyo sidii saf marka ahayd ee madax iyo shaqaale dowladeedba ay xilka uga xayuubinaysay xukuumadda qurbe-joogtu hoggaamiso ee beddeshay xukuumaddii hore bishii February 2017.

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment