3708 Views

Sawiro:-Wasaarada Dhalinyarada Oo oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah

Sawiro:-Wasaarada Dhalinyarada Oo oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah
____________________________________________________________________________

Garoowe    | QOL | 23 Luulyo 2017  —Marwo Khadiijo Max’ed Diiriye wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa Shirwaynahan 4aad  ee qorshe howleedka mideysan ee wasaaradaha dhalinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada maanta ka furtay magaalada Garoowe ee xatunta maamulka Puntland.

Siihayaha wasiirka shaqada, shaqaalaha ,dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/raxmaan Sheekh Axmed oo shirka kahadlay  waxa uu sheegay in kulankaani muhiim u yahay wada shaqaynta taaba galinta iyo Horumarinta dhallinyarada Soomaaliyed.

Wasiirka Dallinyarada iyo ciyaaraha ee Konfurgalbeed,wasiir ku xigeenada Hirshabeele iyo jabbaland iyo Agasimaha Guud ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Galmudug waxay isla raaceen Muhiimada ay leedahay Midaynta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hagisteedu.

Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxay dardaaran dheer oo dhinacyo badan taabanaya u jediysay mas’uuliyiintan ka socotay bahda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Maamul Gobaleedyada dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale  ku Booriysay wasaaradaha dhalinyarada dowlada goboleedyada ka qeyb qaadashada horumarinta qorshe howleedka mideysata wasaarahaasi, islamarkaana la heli wadiiqooyin sahlaya in dhalinyarada laga wacyigeliyo fekradaha qaldan laguna hago wadada horumarka dalka.

Gabagabada shirkan ayaa lagu wadaa in lag soo saaro qorshe cad oo lagu horumarinayo mideynta qorshe howleedka wasaaradaha dhalinyarada Dowladda Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada.

11 122  aaa0 aaa1 l1 l3 p1 qqqql s1 saaa saaakkk

 

 

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Garoowe W

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment