3309 Views

Sawiro:-Wefdi Seychelles ka socday oo Kulamo Laqaatay Mas’uuliyiinta Ugu saraysa Dalka

Sawiro:-Wefdi Seychelles  ka socday oo  Kulamo Laqaatay Mas’uuliyiinta Ugu saraysa Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23 Luulyo 2017  —Wefigan ka socda jaziiradda Seychelles  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha arimaha dibadda, waxayan la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Kulankan ay wada yeesheen R/wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee jaziiradda seychelles,  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiirka Kalluumaysiga khayraadka Badda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Labada dowladood Arrimaha la xariira Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles iyo la dagaalanka Burcad Badeeda.

Barry faure Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Seychelles  oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dib u soo celinta maxaabiista ku xiran Seychelles  iyo dalalka kale.

Bilowgii Bishan Luulyo ayaa R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Seychelles,iyagoo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista Soomaalida isla markaan heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday halkaas.

 

s1 s3 s4 s5 s6 s7 s8 s10 s11

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment