2859 Views

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sheegay In Dalkan aan Lagu maamuli kari Wareegto ama War Saxaafadeed

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sheegay In Dalkan aan Lagu maamuli kari Wareegto ama War Saxaafadeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23 Luulyo 2017  —Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo tilmaamay in dalkaan aan lagu maamuli karin wareegto iyo War saxaafadeed.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu kaga hadlay go’aanadii hey’adaha ammaanka ka soo baxay ee ku saabsanaa Ganacsatada Al-Shabaab lacagaha siisa in tallaabo sharci laga qaadi doono.

Qoraalka Xildhibaanka uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

DALKAAN LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED!

Wasiirka Amniga, Taliyaha Hay’ada NISA iyo Taliyaha Booliska waxa ay sheegeen inay ogyihiin Ganacsatada lacagta siisa Alshabaab. Ayna tilaabo sharci ah ka qaadayaan. Mid midna loogu yeeri doono ganacsatadaas!

Hadaba waxaa iga su’aal ah: lacagta la siiyay Alshabaab hadii Xukuumada iyo laamaha Amniga ogaadeen, maxay u ogaan waayeen kuwa Shabaabka ah ee canshuurtaas baadda ah ka qaadaya ganacsatada iyo kuwa isku qarxinaya Shacabka masaakiinta ah ee aan waxaba galabsan?!

Amniga inla sugo Alshabaabna xididada loo siibo waan soo dhaweynaynaa, waanan kala shaqeynaynaa Xukuumada iyo Hay’adaha Amniga lkn marnaba sax ilama ahan in ganacsatada reer Mogadishu ee canshuurtoodu Dowlada Federaalka ah ku nooshahay in loogu abaal gudo handadaad, been iyo propaganda hantidooda iyo sumcadooda lagu burburinayo.

Sidoo kale hadii ay soo baxaan arimo sidaan oo kale ah si Hay’adaha Dowlada iskaga kaashaadan loona helo sharciyad cadowgana lagula dagaalamo Dadka Shacabka ahna aan xuquuqdooda loogu xadgudbin waa in Xukuumadu soo sameysaa Hindise Sharciyeed kadibna laga ansixiyaa Goleyaasha Barlamaanka. DALKAANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED EE WAA IN XUKUUMADU LA TIMAADAA QORSHE DHAMAYSTIRAN OO AMNIGA WAX

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment