6210 Views

Arrintaan ma Run-baa? Mase…

Arrintaan ma Run-baa? Mase…
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 24 July 2017— Dr. Mona Al-sharmani iyo Eng Saalihii oo la dayacay lagana jartay qarashkii ay ku qaadan jireen Kiiska Dacwada Badda, Farmaajo iyo Xasan Kheyre oo wada hadal hoose kula jira Kenya si dacwada loo joojiyo.

Dr. Mona Al-sharmani waa Garyaqaanad u matalaysa dalkeeda hooyo ee Somalia dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo kenya ee la xiriirta muranka Badda iyo Inj Saalihii ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay kala tagaan oo ay isaga haraan kiiska dacwadii kenya iyo Soomaaliya kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya bixin weysay qarashaadkii howshooda isla markaana tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamud Xafiiska baneeyay isla markaana Maxamed C/llaahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya aan la siinin wixii xuquuq ahaa oo ay lahaayan.

Eng Saalihii oo markii dacwadan ka galayay deganaa degaanka Madiina kadibna Dowladdii Xasan Sheekh ka soo rartay Madiina isla markaana dejisay mid ka mid ah Hotelada muqdisho si amaankiisa loo adkeeyo ayaa la siin waayay 6 bilood oo Farmaajo Madaxweynahaa isla markaana Ra’iisal Wasaare ka yahay dalka Xasan Kheyre.

Dr. Mona waxay ka tirsan tahay Xafiiska magaalladda New York ee Shirkadda Weil, Gotshal & Manges LLP, halkaasi oo ay ka ahayd Xubin ka tirsan Kooxda Hawlaha Bangiga iyo Maaliyadda tan iyo sannadkii 2001-dii.

Bilowgii sannadihii 1990-aadkii, Marwo Mona Al-sharmani waxay muddo 3 sanno ku soo qaadatay Shaqada Khibradeed ee U-qeybsanaha dhinaca Sharciga ee Guddiga Joogtadda Somalia u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, waxayna halkaasi kaga shaqeynaysa arrimaha khuseeya Sharciga Caalamiga.

Ilo wareedyo ayaa Newsomali u sheegay in Muno laga jaray wixii dhaqaalaha oo ay xaq u lahayd sidaas darteedna haatan iska raadsan doono shaqo cusub maadama dowladda Soomaaliya sababo aan la ogeyn u dayacday kooxihii Badda u dacwoonayay.

 Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Teamka Farmaajo oo horkacaya Fahad Yaasiin arrimaha badda muddo dhowr jeer wada hadalo qarsoodi ah la yeeshan dowladda kenya.

Kenya ayaa waxay doonaysa in Soomaaliya ka noqoto dacwada isla markaana xal diblomaasiyadeed labada dhinac ku dhameystaan.

Wada hadalo hoose oo Nairobi ka socda ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Fahad Yaasiin iyo Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed u meteleen Dowladda Federaalka.

Diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliya Nairobi oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa Newsomali u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre qabaan in kenya lala xaajooda isla markaana muranka labada dhinac laga soo wareejiyo Maxkamadda ICJ,hase yeeshe inay si toos ah arrintaas ugu dhiiradaan ka cabsi qabaan inuu kacdoon dadweyne ku furmo.

Marka hore Dowladda waxay doonaysa in kooxda dacwada mas’uulka ka ah si farsameysan loo kala diro lagana xayiro dhamaan wixii dhaqaale ah kadibna laga baaqsado Maxkamada loona sheego in kenya iyo soomaaliya ay wada hadli doonaan.

Arrintan ayaa ah mid halis ku ah qaranimada soomaaliya maadama ay doonayan inay dadkooda qiyaameeyan oo baddooda ka iibiyan kenya.

Source: Newsomali

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment