2406 Views

Xarun Muhiim u ah ururada shaqaalaha oo ladaah furay

Xarun Muhiim u ah ururada shaqaalaha oo ladaah furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25  Luulyo 2017 – Gddoomiyaha Xiriirka Guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa tilmaamay in xaruntan ahmiyad gaar ah u leedahay guud ahaa shaqaalaha Soomaaliyeed, in la hirgaliyana ay tahay talaabo wanaagsan.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha dalka Turkiga ee kaalinta ku lahaa dhismaha xarunta Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku booriyey Madaxda xiriirka iney ka shaqeeyaan isku xirka guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo abuuro fursado shaqo oo dhallinyaradu ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xaruntan ay kaalin ka qaadaneyso in la helo shaqaale tababbaran, dowladuna ay ka shaqeneyso in la sameeyo qorshe shaqo abuur ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwweli Sheakh Ibraahim Muudey ayaa u mahad celiyey hay’daha dalka Turkiga ee gacanta ka geystay hirgelinta xarunta xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Madaxda Xiriirka guud ee shaqaalaha ku booriyay inay u adeegaan bulshadooda oo ay gacan ka geystaan sidii shaqaalaha loo tayayn lahaa xagga aqoontooda.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment