3138 Views

Guuddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Hortagay Golaha SHacabka

Guuddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Hortagay Golaha SHacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2017— Kalfadhiga labaad kulankiisa 5aad ee Mudaniyaasha Golaha Shacabka waxaa shir Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’,waxaana Ajendaha kulanka uu ahaa Warbixinta Gudiga madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo qeybinta Soo jeedin ku saabsan Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ,soo jeedin u yeerid wasiirka arimaha Dastuurka ,warbixinta gudiga Maaliyaddda iyo sidoo kale dhageysiga dadweynaha u abaaran dib u eegista Miisaaniyadda 2017.

Ugu horeyn Xilidhibaan C/qaadir Sheekh Cali Ibrahim Baqdaadi ayaa mudaniyaasha Golaha shacanka ka hor aqriyay soo jeedinta loogu yeeraayo Wasiirka Cadaaladda ee Dowladda Soomaaliya inuu hor yimaado golaha shacabka si su’aalo loogu weydiiyo dhisida golaha Adeega Garsoorka.

Sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Taahir ayaa Golaha Shacabka hor aqriyay soo jeedinta xildhibaanada golaha shacabka ee ku aadan u yeerida Wasiirka arimaha Dastuurka ee Dowladda Soomaaliya si su’aalo ay goluhu uga weydiiyaan ka hor imaanshihiisa go’aanka golaha shacabka ee Qaraarka sugidda xilhaynta xubnaha golaha shacabka iyo buuxinta kuraasta banaanaata.

Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda galay warbixinta Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ,waxaana golaha ka hor aqrisay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliima  Yarey.

Qaaar ka mid ah Xildhibaanad Golaha Shacabka ayaa Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Su’aalo ka weydiiyay arimaha doorashooyinka iyo qaabka ay u dhacayaan iyadoo gudigana uu uga jawaabay.

Gudoomiyaha Golaha Shacacabka oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka u sheegay in loo qeybiyay buugaagta ay ku qoranyihiin hanaanka doorashooyinka soo socda oo uu gudiga soo diyaariyay marka ay xildhibaanada soo aqristaan ka dibna dood dheer la gelin doono,waqtiga doodaasi ay dhaceysanan uu goluhu go’aamin doono.

ooooo22222 l111 a2222222222 iiii222222 ooooo22222

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment