2448 Views

Haweeney Mareykan ah oo gabdho Soomaaliyeed ugu hanjabtay dil

Haweeney Mareykan ah oo gabdho Soomaaliyeed ugu hanjabtay dil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2017— Haweeney u dhalatay Dalka Mareykanka ayaa saddex Gabdhood oo Soomaali ah ugu hanjabtay in ay dileyso kaddib markii Saraal ka tirsan Booliska Mareykanka oo asalkiisu Soomaali yahay todobaadkii hore toogtay Haweeney caddaan ah.

Saddexda Gabdhood ee Soomaalida ah ayaa lagu kala magacaabaa  Rowda Soyaan, Sahra  iyo Leyla Xasan,waxaana ay ku sugnaayeen Gobolka Utah ee Dalka Mareykanka.

Gabdhahan oo lahaa fasax shaqada aah islamarkaana u tamashleyn tagay Gobolkaas ayaa waxaa ay la kulmeen Haweeneyda oo ugu hanjabeysa in ay dileyso iyaga iyo dhamaan Muslimiinta.

Rowda oo muuqaal ka duubeysay Haweeneyda Careysan ayaa weydiisay waxaa ay damacsan tahay,waxaana ay u sheegtay in ay dooneyso in ay leyso dhamaan Muslimiinta jooga Mareykanka,waxaana ay kaddib u sheegtay in muuqaalka ay Booliska la wadaageyso.

Laakiin Haweeneyda Caddaanka ah oo lagu magacaabo Amber Elizabeth Hensley, ayaa u sheegtay in aysan wax xushmad ah u heyn Booliska cabsina ka qabin.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Mareykanka ayaa sheegaya in falkan uu yahay kii 50aad ee Saandkan 2017 ka dhaca Mareykanka,waxaana gudaha Mareykanka ku sii badanaya isir naceybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Haweeneydan ayaa lafteeda muuqaalka soo gelisay barteeda Youtube-ka waxaana ay ku doodeysay in Muslimiinta ay tahay in ay ka baxaan Mareykanka,maaddaama aysan waddanka u dhalan.

Gabdhaha Soomaalida ah ayaa Haweeneyda u sheegay in aysan ka tageyn Mareykanka oo ay muwaaddiniin yihiin,islamarkaana ay ku dacweynayaan Booliska.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment