2592 Views

Wasiir Xoosh Oo Si Dag Dag ah Loogu Yeeray

Wasiir Xoosh Oo Si Dag Dag ah Loogu Yeeray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2017Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ay u yeereen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federalka Somaliya Abukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay soo gudbiyeen Mooshin arintaasi la xiriirta.

10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa Guddoonka Golaha Shacabka gacanta u galiyay warqad ay ku qoran tahay Mooshin loogu yeeraayo Wasiirka Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaanada ka hor sheegay inuu jiro Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano gaaraya 10 Xildhibaan, kuwaasi oo dalbanaya in deg deg Baarlamaanka uu ku hor yimaado Wasiir Xoosh.

Jawaari ayaa amray Xoghaynta Baarlamaanka in lagu wargeliyo Wasiirka Dastuurka Somaliya in maalinta Axada ee todobaadka soo socda uu hor yimaado Xildhibaanada.

Ujeedada ugu wayn ee Wasiir Xoosh Jabriil loogu yeeraayo ayaa la xiriirta in todobaadkaan gudihiisa uu ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka Somaliya ay ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa Bogga Twitterka uu ku leeyahay ku soo qoray hadal kooban oo uu ku sheegay in sharcidaro tahay Baarlamaanka inay ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment