3003 Views

Dibad baxayaal aad u caraysan oo Muqdisho isgu soobaxay

Dibad baxayaal aad u caraysan oo Muqdisho isgu soobaxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2017— Dibadbax balaaran ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa waxaa dhigay dadweyne isaga kala yimid qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo isugu jiray Haween, Dhalinyaro iyo caruur yar yar, kuwaasi oo bartamaha laamiga ku gubay Taayero, sidoo kale halkaasi ku jaray dhagaxaan.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigayay oo aad u careysnaa ayaa xiray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaallay, sidoo kale wadadaasi waxay ay u diideen in ay isticmaalaan Gawaarida ay wataan masuuliyiinta Dowladda iyo dadka shacabka ah.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanayay kana soo horjeeday iska hor imaadkii shalay lagu dilay lagu dilay Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, maadaama dadka Banaanbaxa dhigayay qaarkood ay ehelo ahaayeen Marxuum (Jiijiile).

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shaqaaqadii shalay dhacday, iyadoo xabsiga la dhigay dhammaan ciidamadii ku lugta lahaa iska hor imaadka.

1 2 3 4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment