3717 Views

Ehelkii, Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jijiile), oo diiday in la aaso

Ehelkii, Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jijiile), oo diiday in la aaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 27 July 2017— Qaraabadi Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jijiile),taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo shalay ay dileen ciidamo katirsan Ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa diiday in la aaso meydka sargaalka .

Waxaa n soo gaaray in ehelada Marxuunka, aysan wali ku qanacsaneyn warka kasoo baxay dowlada ee ku aadan in sargaalka uu ku dhintay shil an u dhicin ula kac, waxa ayna ka dalbadeen dowlada in lasoo qabto marka hore cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaasi, inta ka horreysan an la duugayn Marxuumka.

Suldaanka lagu magacaabo Xasan Madoobe oo kamid ah Ehelada Sargaalka la dilay, ayaa sheegay in ciidanka ilaalada Madaxtooyada si ku tala gal ah u dileen Ciise Jiijiile iyo ilaaladii la socotay, waxa uuna meesha ka saaray in sargaalka ku dhintay shil ama isku dhac labo ciidan oo kala shakiyay.

Sida la sheegayo, Madaxeweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajao, ayaa saakay la balansan Odaaasha iyo ehelada Sargaalka la dilay, waxa ayna kawada hadli doonaan sida arintan laga yeelayo iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisad dilkan ka dhalatay oo halisteeda leh.

Marxuun Ciise Jiijiile maydkiisa, ayaa xalay ku beryay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Ehelada Marxuunka ay diidan yihiin in la aaso iyada oon la cadeyn cidii ka dambeysay dilkiisa, waxaana la filayaa in kulanka Madaxweynaha kadib ay soo baxaan go’aano kale oo ka duwan inta an hadda haysanno.

.

W/Q: Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment