4641 Views

Hal-heysyo gilgilay barah bulshada

Hal-heysyo gilgilay barah bulshada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2017 — Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’.

Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilkacase Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray ‘Igu Sawir’.

Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin ku saabsan gabar lagu magacaabo Faa’iso Cabdullaahi, xidigle ciidamada xoogga dalka ka tirsan oo dhaawac soo gaaray ku curyaantay, kadibna madaxda dowladda ay u balanqaadeen in ay dhaqtar dibada ah u diri dooneen. Balse faa’iso waxa ay sheegtey in aanan waxbo loo qabanin.

liin 1

Kumanaan dhalinyaro ah ayaa baraha bulshada si joogto ah ugu faafinaya sawiro iyo qoraalo halheys looga dhigey ‘Igu Sawir’, qaarkood ayaa xitaa xayawaano isku soo sawiray.

‘Igu Dayo’

Dhalinyaro kale oo dowladda taageero u haya ayaa iyaguna bilaabay olole kale oo ay ugu magacdareen ‘Igu Dayo’, waxayna ku dhiirogalinayaan madaxda dowladda, iyaga oo boggaadinaya waxqabadka dowladda.

looos
Lahaanshaha sawirkaSOCIAL MEDIA SCREEN GRAB

Image captionDadka qaarkood dowladda ayay bogaadinayaan

Dowladda hadda jirta waa tan heshey taageeradii ugu badneyd ee shacabka meel kasta oo ay joogaan muddo sanado badan kadib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey baraha bulshada, ololahan ‘Igu Dayo’ ayaa la xiriira taageeradaasi xoogga badan ee loo hayo dowladda.

Dowladda iyo Baraha Bulshada

Maxamuud Cali oo ka tirsan BBCda ayaa ku waramay in madaxda dowladda Soomaaliya ee cusub ay u badanyihiin rag dhalinyaro ah oo qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala baraha bulshada, iyaga oo waxqabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taasi ugu wacantahay guuxa dadweynaha.

Waxaa xusid muddan in markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey boggiisa Twitter-ka , waxayna ahayd markii ugu horeysey oo taariikhda Ra’isulwasaare lagu magacaabo baraha bulshada.

Sidaasi si la mid ah madaxda dowladda ayaa waxqabadkooda iyo meelaha ay booqdaan ku shaaciya baraha bulshada xitaa ka hor inta aysan warbaahinta dowladda faafinin.

Balse dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey baraha bulshada ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in dowladda ay u egtahay in wali ay ku jirto jawigii ololaha doorashada, sidaasina ay ugu wacantahay in la qoonsado sawirada madaxda ee sida joogtada ah usoo baxaya.

.

XIGASHO:- BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment