2376 Views

Shir maalmo kasoconayey Muqdisho oo lasoo gaba gabeeyey

Shir maalmo kasoconayey Muqdisho oo lasoo gaba gabeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2017— Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho lagana soo saaro war ku aadan waxyaabihii labada dhinac ay isla garteen.

Shirkan oo socday Saddexdii cisho ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ka qayb galayay Wasiiro ka socda Dowladda, Saraakiisha ciidamada AMISOM, Saraakiil Cadaan ah iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub, kuwaasi oo isla lafa guraayay sida ugu haboon ee AMISOM dalka uga baxeyso ciidanka Qaranka Soomaaliyana ay ula wareegi lahayeen ammaanka dalka.

Madaxda shirka ka qaybgalaysa ayaa isdhaafsanaayay tallooyin la xiriira sida ugu haboon ee suurtagalnimada ah ee ciidamada AMISOM dalka uga baxayaan kadib 10 sano oo ay caawinayeen Dowladda Soomaaliya.

Horay ayaa loo sheegay in AMISOM dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka soo socda ee 2018-ka, waxaana inta ka horeysa la dhisayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Galabta ayaa la filayaa in shirka la soo gunaanado, lagana soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabihii ka soo baxay Shirka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment