2565 Views

Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Laba Ka Tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Laba Ka Tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2017 – Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo kala ah Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Cadaalada Xasan xuseen Xaaji.

Labadaan Wasir ayaa markii ay hortagaan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa wax lag weeydiin doonaa arimo dhowr ah oo quseeya Shaqadooda,iyada oo ay xusid mudan tahay in Wasiir xoosh wax laga weeydiin doono hadal qoraal ah oo uu ku diidan yahay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay ku diideen laalidii Maxkamada Sare 8 ka mid ah Golaha Shacabka.

Sidoo kale Wasiirka Garsoorka ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka weeydiin doonaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo ay doonayaan in isbedel lagu sameeyo.

Xogta ay heleyso Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa  in Wasiir Xoosh Maalinta Axada ah ee soo socota uu hortegi doono Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment