4527 Views

Maxaabiista Soomaaliyeed ee dalka Hindiya oo lasoo deyn doono!

Maxaabiista Soomaaliyeed ee dalka Hindiya oo lasoo deyn doono!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2017 – Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wafdi heer sare ah u dirto dalka Hindiya, si ay ugala soo xaajoodaan sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalkaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdigan oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dowladda Hindiya kala hadlaya maxaabiista ku xiran dalkaas iyo sii deyntooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dhiggiisa Hindiya ka wada hadli doona xiriirka labada dal, waxaana ay kala saxiixan doonaan heshiiska ku saabsan is dhaafsiga maxaabiista.

Sidoo kale wafdiga ayaa booqan doona magaalooyinka  Mombai iyo Hyderbad oo xabsiyada ku yaalla ay ku xiran yihiin Maxaabiis Soomaali ah.

Golaha Wasiirada Hindiya ayaa bishii hore ansixiyay heshiis ku saabsan is weydaarsiga maxaabiis oo dhex mari doona Soomaaliya iyo Hindiya.

Maxaabiis fara badan Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, waxaana badankood lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii la caleema saaray sheegay in maxaabiista ku xiran dalka Hindiya hadii la soo daayo uu bixin doono diyaarada lagaga soo qaadi doono dalkaas.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii maxaabiista ku xiran dalal dhowr ah loo sii deyn lahaa, iyadoo dhowaan ku guuleysatay in lagu soo wareejiyay 114 maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo todobaadkii hore laga soo dejiyay Muqdisho.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment