2325 Views

Isku Shaandheen Lagu Wado In Lagu Sameeyo Golaha wasiirada maamulka koonfurgalbeed

Isku Shaandheen Lagu Wado In Lagu Sameeyo Golaha wasiirada maamulka koonfurgalbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan uu wado wada tashiyadii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta Golihiisa Wasiirada, waxaana maalmahan soo baxayay cadaadis xoogan oo Madaxweynaha kaga imaanayay xubnaha xildhibanada koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Madaxweynaha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday, sida uu Qaranimo  u sheegay Xildhibaan Cismaan Axmed Islow oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhiban Cismaan Axmed Islow ayaan weydiinay sababta xiligan keentay in Madaxweynaha ay ku cadaadiyan in isku shaandheyn uu ku sameeyo Golihiisa Wasirada.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaadanayay maalmahan Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanaya isku shaandheynta uu wado.

Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna sameeyay hormar aan sidaas u badneyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment