2391 Views

Jubbaland oo ka hadashay go’aankii Maxkamadda Sare

Jubbaland oo ka hadashay go’aankii Maxkamadda Sare
____________________________________________________________________________

XafMuqdisho | QOL | July 28, 2017 – Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii 16-kii May ee sanadkan Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabta Doorashada 8 kursi, kuwaasi oo horey uga kala dhacay degaan Doorashooyinka dalka.

Jubbaland oo arrintan ka soo saartay war-saxaafadeed ayaa waxa ay sheegtay in ay ku talineyso in la raaco go’aanka Natiijadii Doorashada horay u dhacday, kaasi oo ay u aragto mid kama dambeys ah, dibna aan loogu laaban karin.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ah ilaaliyaha Dastuurka dalka waxa ay u soo jeedisay in uu xaliyo khilaafaadka ka dhaxeeya Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan iyaguna ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabto Doorashada 8 kursi, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin go’aankii Golaha shacabka ee ahaa inaan dib loogu laaban Doorashada Siddeedaasi kursi.

Sida muuqata hadda waxaa isku dhagan Hay’ado awood ahaan isla siman, kuwaasi oo kala ah Hay’adda Sharci dajnta dalka Golaha Shacabka iyo Hay’adda Garsoorka dalka, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya 23-kii bishan ay laaleen go’aankii Maxkamada sare ay ku amreysay dib ugu noqoshada kuraasta Sideed xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment