2367 Views

Madxweyne Xaaf Oo Gaaray Cadaado

Madxweyne Xaaf Oo Gaaray Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2017 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(xaaf) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Galmudug , Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Madaxeynaha ayaa garoonka salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska, Galmudug waxaana intaas kadib Madaxweynaha loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Galmudug .

Waqtigii magacaabista Golaha Wasiirada ayaa gabaabsi, waxaana ka hartay 20 cisho, Madaxweyne Xaaf oo Cadaado lagu doortay 3dii Bishii Maajo ee Sanadkaan 2017.

Madaxweyne Xaaf oo Saxaafada hadal kooban siiyay ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca in ay ka qeyb qaataan Nabada Galmudug.

02

2

7777

7777

02

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment