2667 Views

Duqaymo Ka Dhacay Gobalka Gado

Duqaymo Ka Dhacay Gobalka Gado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |2 July 29, 017—Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn ka gaysteen degaano dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wararka laga helayo Gedo, ayaa ku waramaya saakay duqeynta diyaaradaha inay la beegsadeen degaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey, halkaasi oo Shabaab ay ku leeyihiin Saldhig ciidan.

Duqeyntaan oo xalay dhacday ayaa wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Kenya xogo ay heleen, kadib ay u suuragelisay inay duqeeyaan Saldhigaasi Shabaab ay lahaayeen degaanka Kulmis.

Illaa hadda ma jirto cid ka warami karta xadiga khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse dadka Magaalada Garbahaarey, ayaa sheegayay inay maqlayeen jugta duqeynta xalay.

Saraakiisha ciidamada Dowladd ayaa sheegay inay faah-faahinta la xiriirta duqeynta ka dhacday duleedka Garbahaarey Warbaahinta ka sheegi doonaan, marka ay soo aruuriyaan macluumaadka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment