3858 Views

Maamulka Jubaland Oo Go’aano Soosaray

Maamulka Jubaland Oo Go’aano Soosaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 29, 2017Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.

C/rashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka Gedo, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay  ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Al-Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan.

 Jubbaland ayuu sheeg in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii lagu tuhmo in ay Al-Shabaab taageerto.

Xoogaga Shabaab ayaa deganada ay ka maamulaan Gobolada dalka Somaliya dadka ku nool waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zkawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstadaha ah uga digtay inay bixiyaan dhaqalo Shabaab lagu taageeraayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment