2820 Views

Masar oo beenisay eedeyntii Q.M ee Sucuudiga ku laayay Qaxootiga Somalida ee Yemen

Masar oo beenisay eedeyntii Q.M ee Sucuudiga ku laayay Qaxootiga Somalida ee Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |2 July 29, 017—Wadanka Masar oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood ka keenay warbixintii ay todobaadkan soo saareen guddiga baarayey xasuuqii lagu dilay 42 qof oo Soomali Qaxooti ah oo saarnaa dooni kasoo baxday dalka Yemen.

Warbixintan oo ka kooban in ka badan 180 bog ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay geysatay diyaarad helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada xulafada Sacuudiga ee ku sugan xeebaha dalka Yemen.

Weerarkaasi dhacay dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkan ayey ku dhinteen 42 qof iyagoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof oo u badnaa Soomaali ka baxay dekkada Xudeyda ee koonfurta dalka Yemen.

Dowlada Masar oo xubin ka ah Xulafada Sacuudiga ayaa sheegtay in warbixintan ahayn mid dhameystiran isla markaana shaki gelisay xogta ku qoran iyo in xulafada Sacuudiga ay weerarkaasi ka danbeysay.

Dhamaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka ayaa todobaadkan doonayey inay qaraar ama qoraal kasoo saaraan gabood-falada ka dhacaya dalka Yemen, balse Masar ayaa noqotay xubinta kaliya ee Golaha Amaanka oo ka hortimid qoraalkan.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Masar u adeegsato kursiga ay sanadkan ku leedahay Golaha Amaanka inay garab kusiiso Xulafada Sacuudiga oo horey loogu eedeeyey inay xasuuqyo ka geysteen dalka Yemen. Masar ayaa kamid sadexda wadan ee Afrikaanka ah ee hada xubnaha ka ah Golaha Amaanka, labada kale ayaa ah Ethiopia iyo Senegal.

Waxaa muddooyinkii danbe isa soo tarayey baaq ah in xayiraad dhanka hubka ah la saaro dalka Sacuudiga si loo xakameeyo gabood falada ay ciidamadooda ka geysanayaan Yemen, sida ay horey u codsadeen hay’adaha xaquuqul insaanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Galbeedka.

Masar ayaa had iyo goor sheegta inay tahay dowlad walaal iyo saxiib la ah Soomaaliya, balse waxaa muuqata in Xulafada Sacuudiga aysan wax tixgelin ah u muujin Soomaalida Qaxootiga ah ee lagu xasuuqay xeebaha Yemen.

Masar, Imaaraatiga iyo Sacuudiga ayey intuba ciidamo iyo maraakiib dagaal ka joogan xeebaha Yemen, waxayna dhamaantood diideen inay la shaqeeyaan guddiga baarayaasha caalamiga ah ee loo saaray xog aruurinta qaabkii uu u-dhacay weerarkii lagu dilay qaxootiga Soomaalida ah.

Guddiga baarayaasha ah ayaa sidoo kale ku eedeeyey xulafada Sacuudiga in xasuuqii doonida Soomaalida aysan ku koobneyn, balse sidan oo kale ay ciidamada xulafada Sacuudiga u laayeen sanadihii lasoo dhaafay dad badan oo ah kaluumeysato reer Yemen ah oo ku sugnaa xeebaha ku dhaw deegaanada ay ka taliyaan kooxda Xuuthiyiinta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment