2298 Views

Boko Haram oo shaacisay muuqaalka dad ay afduubteen

Boko Haram oo shaacisay muuqaalka dad ay afduubteen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 29, 2017——Maleeshiyo looga shakisan yahay kooxda Boko Haram ee dalka Nayjeeriya ayaa shaaciyay muuqaal muujinaya saddex ka tirsan koox shidaalka baara oo lagu afduubtay weerarkii ugu xumaa sanadkan oo ay kooxdu qaadeen.

Illaa lixdan qof ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kolonyo aad loo ilaalinayay oo ku socotay magaalada waqooyi-bari dalkaasi ku taalla ee Maiduguri.

Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen askar iyo rayid. Jaamacadda Maiduguri ayaa xaqiijisay in saddexda nin ee muuqaalka ka soo muuqday ay ka mid yihiin shaqaalaheeda. Mid ka mid ah oo cadaadis uu saarnaa ayaa ugu baaqay dowladda inaysan awood u adeegsan kooda.

Kaddib markii uu weerarkaasi dhacay, dowladda Nayjeeriya ayaa amartay madaxda milatarigeeda inay dib ugu laabtaan si ay xaaladda ammaanka wax uga qabtaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment