2232 Views

Ciidamo Maamul Gobaleed Oo Amar Xoogan Lasiiyey

Ciidamo Maamul Gobaleed Oo Amar Xoogan Lasiiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017—Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa ku amray saraakiisha Ciidamada Booliska maamulka Galmudug in ay qaadaan tilaabooyin lagu joojinaayo dagaal beeleedyadda ka socda degaanada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in ciidamada Booliska Galmudug ay guuldareysteen in ay joojiyaan dagaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska laga doonaayo in ay si deg deg ah ku joojiyaan dagaallada Xeraale iyo Caabudwaaq.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Ururka Ahlusunna in ay joojiyaan dagaallada, islamarkaana ay soo raacaan Galmudug.

Galmudug ayuu sheegay in ay diyaar u tahay in wax walba lagu dhameeyo wadahadal.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment