2331 Views

DEG DEG: -Qarax Xoogan Oo Muqdisho Goordhow Ka Dhacay

DEG DEG: -Qarax Xoogan Oo Muqdisho Goordhow Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017—Qarax ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la xiray wadada, iyadoo hadda ay socoto baaritaanka gaariga qarxay iyo shaqsigii watay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment