3873 Views

Sawiro”-Faah Faahino Dheeraad ah Oo Laga Helayo Qarx Ka Dhacay Muqdisho

Sawiro”-Faah Faahino Dheeraad ah Oo Laga Helayo Qarx Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017-Afhayeenka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarrama ay ku dhinteen 5 Qof 10 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Gaari nooca Raaxada ah ayaa ku qarxay Wadda xilli ay mashquul ahayd islamarkaana ay gaadiid badan ku jireen safka Gaariga qaraxa geystay oo isna ka mid ahaa kuwa safka ku jiray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay shan qof oo ay ku dhowdahay 10 Qof,waxaana soo baxaya dhaawacyo dheeraad ah oo la geeyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa u badan dad saarnaa Gaadiidka dadweynaha oo safka ku jiray iyo Haween jidka dhinaceesa ku iibinayay Shaah.

01 02 03 06 09

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment